Tuesday, 27 November 2018

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.
Xaflada oo xalay ka dhacday Hotelka Laico Regency ayaa muddo saacado ah ay dib uga dhacday waqtigii la filayay, iyadoo la dhaliilay qaabka hab maamuuska Safaaradda Soomaliya ee Nairobi.
Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed xaaladaha uu dalku ku sugan yahay xilligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.
Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya | Jowhar Somali News Leader

Thursday, 25 October 2018

Cabdiwali gaas ayaa magacaabay

Cabdiweli Gaas Ayaa Loo Magacaabey Guddoomiye xisbi ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada marka laga reebo Hirshabeelle, xisbiga waxaa la dhahaa National Progressive Party

Wednesday, 15 June 2016

xogayah qaramada midobe iyo madaxwenaha kenyo ku kulmay baraselis

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dib u celinta qaxootiga iyo xiritaanka xerada Dhadhaab. Ban Ki-Moon ayaa ku booriyay dowladda Kenya inay kala shaqeyso Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta qaxootiga xerada Dhadhaab ee la kala saxiixday sanadkii 2013. Mr Ban Ki-moon ayaa ku amaanay dowladda Kenya mudadii dheereyd ee ay marti gelisay qaxootiga, waxaana uu balan qaaday in Qaramada Midoobey ay sii wadeyso taageerida dhinacyada bani’aadanimo iyo horumarinta ee ay la garab taagan tahay Kenya. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa balan qaaday in la hirgelin doono heshiiskii saddex geesoodka ahaa, kaasoo dhigayay in qaxootiga iskood u doonaya in dib dalkooda loogu celiyo. Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ka dalbaday Ban Ki-moon in Ciidamada Midowga Afrika la hoos-keeno Qaramada Midoobey, isla markaana ay noqdaan Ciidamo UN ah, maadaama dhaqaalihii Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga la dhimay. Madaxweynaha Kenya ayaa lagu wadaa in Midowga Yurub uu kala hadlo arrimaha mushaar dhimista, kadib markii Midowga Yurub uu 20% jaray mushaaraadkii uu siinayay Ciidamada AMISOM.